Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan Somaliland oo Markab Dushiisa shir uga qeyb galay (Daawo Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka JSomaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dagaaladii ka dhashay muddo kororsiga oo heshiis kama dambeys ah laga gaaray

Caydiid Ali

Banaan bax saakay ka socda Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo baaq loo diray

Cabdi Cade

Dowlada oo Baaq deg deg ah kasoo saartay Xaaladadaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---