Wasiir muhiim ah oo katirsanaa Jubbaland oo isku casilay Cabdirashiid Janan Owgiis !!

Wasiirka Qorsheynta  Jubbaland Adam Aw- Xirsi ayaa goordhaw shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Jubbaland , waxa uuna Wasiirka ka carooday in loo dabaal dego lana soo dhaweeyo Wasiirkii Amniga Jubbaland oo baxsad ku tagay Kismaayo.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland ayuu ku shaaciyay in uu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu ka hayay Jubbaland , waxa uuna cadeeyay in uusan kasii mid ahaan karin maamul eedeesanaya soo dhaweenaya.

“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga, waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”. ayuu yiri Wasiir Adam Aw-Xirsi.

Iscasilaada wasiirkan ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Kismaayo doon ku tagay Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne badan oo u dabaal degay.

 

- Advertisement -