Khilaaf ka dhex aloosan Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal & DF oo ku lug leh

Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhex galay gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland kaasoo wararku sheegayaan iney ku lug leedahay dowlada federaalka Somalia.

Khilaafkan oo la sheegay inuu muddoba jiray ayaa haatan dibeda u soo baxay ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) uu soo saaray qoraal uu ugu digay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu sheegay in uu ku howlan yahay olole siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland isla markaana lagu taageerayo Dowladda Federaalka ah.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in uu duqa Garoowe uu dhowaan safar ku tegay Muqdisho kuna soo galay shirar siyaasadeed isla markaana markii uu Garowe ku soo laabtay uu bilaabay inuu la shiro culumoudiin uu ku booriyey iney masaajidada ka taageraan dowlada Federalka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili dhowaan Duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isagoo kulamo la qaatay duqa Muqdisho iyo madax kale.

Duqa degmada Garowe ayaa maamulka gobolka Banaadir ka gudoomay labo ka mid ah basaskii ay dowlada Qadar ugu deeqday dowlada federaalka.

Xiriirka Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ayaan fiicneyn tan iyo markii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay shaaciyeen iney hakiyeen xiriirka ay la lahaayeen dowlada federaalka iyagoo eedeymo kala duwan tirsanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -