Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo kulamo xasaasi ah kula qaatay Nairobi danjireyaal reer Galbeed ah (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan Casho ah kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi ku-xigeenka danjiraha dalka Germany ee Soomaaliya, mudane Markus Bollmohr, waxaana Kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarin ee Dowladda Germany ka waddo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Digniin adag u dirtay Shacabka kunool Ceelbuur iyo Galhareeri

Cabdi Cade

Dab weyn oo qabsaday Xarunta tareenada Haramain ee dalka Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro Cusub) Dhimashada Qaraxii Kabul oo Boqol kor u dhaaftay iyo Baroordiiq lagu dhawaaqay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---