Maxaa ka jira in Safaarada Somalia ee Ankara soo celineyso dhaawacyadii Ex-Control?

Safaarada Soomaalida ee dalka Turkiga ayaa lagu eedeeyey iney Somalia dib ugu soo celineyso qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Ex-control ee dalkaas la geeyey iyagoo aan bogsan.

Hooyo Soomaaliyeed oo laba gabdhood oo ay dhashay mid ku dhimatay Qaraxii 28-kii bishii hore December ka dhacay Ex-Control Afgooye midna ku dhaawacantay ayaa sheegtay inay cabasho ka tahay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara.

Shariifo Maxamuud Rooble oo ah Hooyada dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo kamid aheyd Ardeyda Jaamacadda Banaadir kuna dhaawacntay qaraxaas iyo Faadumo Maxamuud Axmed oo qaraxa ku geeriyootey ayaa sheegtay in safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga ay culeys ku saareyso in dalka dib loogu soo celiyo Gabadheeda oo weli xaaladeeda caafimaad aan hagaagin.

Hooyadan oo gabadhii uga dhaawacmatay qaraxaas iyo gabar kale oo la dhigeysay jaamacada u qaaday dalka Turkiga ayaa sheegtay in safaaraddu ay ku soo war gelisay in Caawa lagu celin doono dalkii, iyadoo gabdhihii aysan bogsan oo weli ay qabaan dhaawacyo daran.

Waxay sheegtay in gabadheeda ay weli qabto dhaawacyo halis ah safarna aysan hadda u geli karin dalkii, sidaas markii ay u sheegeen safaaradana lagu gacan seyray oo loo sheegay in lasoo jaray tikidkii ay ku bixi lahaayeen.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo wax laga weydiiyey eedeynta ayaa sheegay in Safaaradu aysan door ah ku laheyn keenida iyo celinta dadka dhaawacyada qaba, isla markaana go’aanka lagu celinayo dhaawacyada qaar uu ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo Dhaqaatiirta Gacanta ku heysa Isbitaalka ay ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -