(Sawirro) Guddoomiye Mursal oo taageero u muujiyey shacabka reer Falastiin

Kalfadhigii 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee maalmahanba ka socday Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Aougadougou ayaa la soo gabeeyay, waxaana khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee shirka ka qeyb gashay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad dhinacyo Badan taabaneysa ka jeediyay Shirka ayaa ugu horeyn khudbadiisa kaga hadlay xaaladda hadda ka taagan Caalamka Islaamka oo uu sheegay in ay sabab u tahay is qabqabsiga Dowladaha dhexdooda ah oo laf ahaanteeda laga faa’ideystay iyo sidoo kale Argagaxisada oo uu sheegay inay u baahantahay Qorshe lagula dagaalamo isla markaana guud ahaan la cirib tiro.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka muslimiinta heysta ay ka mid tahay in ay yihiin qaxootiga ugu badan caalamka ee maanta Marka loo eego dadyowga kale ka dib markii ay waayeen amni ay ku noolaadaan waxa keliya looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo qorshe mid ah oo la yeesho.

Waxa uu sheegay in hadii aan la helin talo dhab ah oo mideysan inaan horumar la gaari karin xaaladana laga yaabo in ay kasii darto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlayay xaaladda Dalka Falastiin waxa uu sheegay in dadka Reer Falastiin ay ku noolyihiin dhibaatooyin aan marnaba la aqbali karin ay tahayna in ka hadal keliya lagu soo koobin oo in ficil loo bedelo u baahan, waxaana uu tusaale usoo qaatay in ay shacabka Falastiiniyiintu ay heystaan xaalado isugu jira dhinacyada Bulshada, dhaqaalaha iyo sidoo kale xornimo la’aan ay u dheertahay islamarkaana dhulkooda lagu gumaadaayo taasoo bani’aadanimada iyo qaanuunka caalamiga ahba ka baxsan.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay mar walba la xanuunsaneyso walaalaha Falastiiniyiinta ayna ku garab taagan tahay sidii mar walba ay u heli lahaayeen xuquuqaadka ay leeyihiin isagoo xusay iney lama taabtaan tahay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Falastiin.

Mar uu ka hadlay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto Argagaxisada ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixineyso ciribtirka kooxahan islamarkaana iyadoo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka dhow la ah iyo kuwa deriska la ahba ay guul weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto.

Waxa uu tilmaamay in Aragagixisadu aysan jirin meel ay dhaafeyso meelaha ay beegsadaanna ay u badan yihiin meelaha ay dadka Shacabka ah joogaan xitaa ay Dowladaha deriska ah dhibaato ku haayaan laakiin waxa keliya ee looga guuleysan karo ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay horumarinta Adeegyada bulshada iyo sidoo kale in Soomaaliya horumar Badan oo dhinacyo Badan leh ay ku talaabsaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -