Dab weyn oo qabsaday Xarunta tareenada Haramain ee dalka Sacuudiga (Sawirro)

Wararka naga soo gaaraya dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in dab xoog leh uu ka qabsaday xarun Tareen oo ku taalla magaalada Jiddah, iyadoo weli ay la tacaalayaan kooxaha Dab-damiska.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Dabka uu qabsaday xarunta Tareenka Xarameyn ee magaalada Jiddah, gaar ahaan Xaafadda Suleimaniyah.

Muuqaallo laga helay dabka ayaa muujinaya inuu yahay mid aad u xoog badan iyadoo ay hawada isku shareertay uurada iyo holaca ka baxaya dabkaas oo illaa hadda aan la ogeyn sababta dhalisay.

Dabka qabsaday xarunta tareenka Xarameyn ee magaalada Jiddah ayaa la sheegay inuusan wax qasaare nafeed ah geysan, marka laga reebo burbur ku dhacay qeybo ka mid ah xaruntaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -