(Sawirro Cusub) Dhimashada Qaraxii Kabul oo Boqol kor u dhaaftay iyo Baroordiiq lagu dhawaaqay

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabul.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Afghanistan qaraxa ayaa waxaa ku dhintay illaa hadda dad ka badan 100 qof, waxaana sidoo ku dhaawacmay 158 kale.

Kooxda weerarka Fulisay ayaa adeegsaday gaari ah nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ka hor weerarka ayaa waxaa gaarigan uu ka soo gudbay bar koontarool oo ay booliiska joogeen, waxaana Qaraxa uu ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaana cambaareysay dowlada wadankaas oo ku dhawaaqday baroordiiq Qaran

Taliban ayaa weerar ay ku qaaday todobaad ka hor Hotel ku yaalla Kabul waxayna ku dileen 22 qof halka tiro intaas ka baddana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -