Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Dab caawa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla degmo ka tirsan Muqdisho

Dab aad u xoogan ayaa qabsaday caawa goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Wararka  ayaa sheegaya in dabku uu ka bilowday sandaqado ku yaalla boosteejada laga raaco, uuna ku fiday bakhaaro ganacsi iyo dhismeyaal kale oo halkaas ku yaalla.

Lama oga ilaa hadda sababta kicisay iyo waxa uu ka bilowday dabkan, balse gaadiidka dab demiska ayey wararku sheegayaan iney halkaas gaareen, iyagoo la tacaalaya dabka.

Goobta uu dabku ka kacay oo magaceeda lagu sheegay quraca Nabada  ayaa waxaa ku sugan ciidamada amaanka, qaar ka mid ah madaxda maamulka degmada Kaxda iyo dadweyne fara badan oo halkaas so buuxiyey.

Lama soo sheegin dad wax ku noqday dabkan balse waxaa la aaminsan yahay inuu salfaday hanta aan tirakoob sax ah laga heynin oo ku jirtay goobaha gubtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurada Turkish Airlines oo hakineysa duulimaadkii Muqdisho & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Carro uga baxay Shir uu guddoominayay Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade

Jubbaland oo War ka soo saartay shirka uu iclaamiyey Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---