Taliyaha ciidanka Xooga oo isbadal ku sameeyay Talisyo ciidanka xooga katirsan (Akhriso)

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu isbadal iyo magacaabis ku sameeyay talisyo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Digreetada kasoo baxday Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa la isku bedelay qaar kamid ah ururada iyo qeybaha ciidanka Xooga, waxaa sidoo kale taliyaha uu magacaabay taliyaha qeybta 12-ka April oo dhawaan taliyihii heestay qarax lagu dilay.

Taliye Indho Qarshe ayaa bedel ku sameeyay taliyihii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga  sarreeye guuto Maxamuud Koronto oo ka howl galayay Hirshabelle, waxaana Koronto loo wareejiyay ururka 38-aad ee taliska guud ee ciidanka xooga.

Halkan ka Akhrisp Digreetada  taliyaha soo saaray 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -