Yaa bixiyey amarka Boolisku ay timaha uga jarayaan dhalinyarada Muqdisho qaarkood?

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dhacdo dood adag ka dhex dhalisay bulshada oo aheyd ciidamo ka tirsan Dowladda oo bilaabay inay timaha ka jaraan qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho ee madaxa u jarta qaabka reer galbeedka ee jeegada loo yaqaano.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in amarka dhalinyarada looga jararay Timaha uu ahaa mid aan ka soo bixin dowlada balse uu ahaa mid shaqsi ah oo uu bixiyay Taliyaha Saldhiga degmada Xamar Jajab.

“Waxaan waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga Xamar Jajab u gaar ahaa, waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hadda aan ku jirno in dhalinyrada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan” ayuu yiri Tuulax.

In timaha laga jaro dhalinyarada madaxda u jarta qaabka reer galbeedka ayaa waxaa horay ugu caan baxay Maxkamadihii Islaamiga, deegaanada ay dalka ka joogaan Al-Shabaab ayuuna weli ka shaqeeyaa.

Qaar ka mid ah dhalinyarada degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ayaa maalmahan ka fogaanayey meelaha ay boolisku joogaan, si aan madaxa looga jarin, iyadoo arintan ay dhalisay muran iyo hadal heyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -