Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Su’aalo kulul ka keenay Baxsashada Wasiirkii Amniga Jubbaland !!

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in saakay xabsi uu magaalada Muqdisho kaga xirnaa Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday kuna raad joogaan ciidamada amaanka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban uu soo saaray bartiisa su’aalo ku galiyay baxsashada Wasiirka Amniga jubbaland, waxa uuna sheegay Fiqi in dowlada federaalka laga rabo Wasiirkaasi u xirnaa isaga oo bad qaba.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xildhibaanka uga hadlay arintan

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo
Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mumina Eroba oo ugu dambeyn isku dhiibtay booliska Kenya & wiilkeeda oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Banaan bax looga soo horjeeday oo dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shaqsiga ku guuleestay xilka Madaxweynaha Somaliland oo lagu dhawaaqay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---