Allbanaadir.com
NEWS

Shaqsiga ku guuleestay xilka Madaxweynaha Somaliland oo lagu dhawaaqay

Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland , ayaa daqiiqado kahor ku dhawaaqay in xilka Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu ku guuleestay musaraxii xisbiga mucaaradka ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii dhacday 13-kii bishan bishan, waxa uuna codad badan kaga guuleestay musharaxii kale ee la tartmayay oo ahaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale doorashada xisbiyada siyaasadda waxaa ku soo baxay saddexda xisbi ee kala ah xisbiga Waddani ee hadda la wareegay talada Somaliland, xisbiga Kaah iyo xisbigii talada Somaliland hayay ee Kulmiye, waxaana meesha ka baxay xisbiga UCID uu hoggaamin jiray Feysal Waraabe.

Xisbiga Kulmiye ee talada maamulka Somaliland hayay iyo musharaxooda Muuse Biixi Cabdi ayaa guuldarro xanuun badan la kulmay, waxa ayna shacabka Somaliland sannadkan go’aansadeen isbadal, taa oo suurto galisay in Musharaxa xisbiga Waddani ku guuleesto doorashadii dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Iimaan oo xariga ka jaray Wado kutaala Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo Eedeyn culus loo jeediyay iyo Dowlada Turkiga oo Hanjabaad u jeedisay..

Cabdi Cade

Netanyahu oo sheeko cusub keenay & afgembi laga cabsi qabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---