Allbanaadir.com
NEWS

Ahlu Sunna oo Gudoomiye Baarlamaan ku dooratay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Kooxda Ahlu Sunna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqday Xildhibaano cusub ay sheegeen in ay yihiin Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanadan Ahlu Sunna ku dhawaaqeen wali magacyadooda la shaacin ayaa tiradooda lagu sheegay 69-Xildhibaan kuwaa oo lagu daray 20-kii Xildhibaan ee horey looga siiyay Baarlamaanka saxda ah ee Galmudug.

Kulan isla maanta Xildhibaanada Ahlu Sunna ku yeesheen Xerada INJI ee Dhuusomareeb ayaa lagu doortay Gudoomiye Baarlamaanka oo yeelanayaan Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxaana gudoomiyahan la doortay lagu magacaabaa Abdiqani Salaaad Ibrahim .

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale qaban qaabineysa doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa , waxaana garabkan Ahlu Sunna doorashada isku diiwaan galiyay dhoor musharax .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir kale oo Muqdisho uga furmay DF & dowlad goboleedyo aysan ku jirin Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoonka labada Aqal oo kawada hadlay Dib u eegista lagu sameenayo Dastuurka KMG (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso: Xildhibaano caawa ku shiray Muqdisho oo shaaciyey inuu burburay Mooshinkii Jawaari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---