Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Jubbaland oo Xabsiga Muqdisho ka baxsaday iyo taliska booliiska oo ka hadlay

War goordhaw lasoo dhigay barta ay Facebooka ku leedahay taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya jeneraal Zakiya Xuseen ayaa lagu shaaciyay in xabsigii uu ku xirnaa ka baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan.

Jeneraal Zakiya ayaa qoraalka ay soo dhigtay ku sheegtay in Wasiirka Amniga Jubbaland ay ku raad joogaan ciidamada booliiska, waxa ayna shacabka ka codsaday in ay laamaha amaanka soo war galiyaan hadii ay arkaan.

”Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.” ayaa lagu yiri Qoraalka lasoo dhigay barta ay facebook ku leedahay Jen Zakiya.

Ma jiro ilo kale oo xaqiijiyay warkan marka laga soo tago qoraalka Taliye kuxigeenka booliiska lasoo dhigay barta ay Facebooka ku leedahay, waxaana bartan horey loo soo dhigay warkan oo kale markii Janan dowlada ku xirtay Muqdisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Amb. Mohamed Rashid (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiro katirsanaa Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu xiray Hargeysa

Cabdi Cade

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aas loo sameeyay Jeneraal Careys (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---