Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shacabka Maraykanka oo u baroordiiqaya geeridii ku timid Kobe Bryant (Sawirro)

Shacabka Maraykanka ayaa u baroordiiqaya Ciyaaryahanka kubadda koleyga ee u dhashay dalkaas Kobe Bryant oo ku dhintay shil diyaaraded, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay taageerayaashiisa oo ku kala sugan dunida.

Byrant oo 41 jir ahaa iyo gabadhiisa Gianna oo 13 jir ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay shilka diyaaradda oo ku dhacday degmada Calabasas Axaddii kaddib markii hawada ay ceeryaamo ka jirtay, waxaana ku dhintay 9 qof Mana jirin cid ka badbaaday shilkaas.

Bryant, wuxuu u dheeli jiray kooxda LA Lakers ee dalka Mareykanka, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay ciyaaryahanada ugu wanaagsan kubadda koleyga.

Ciyaaryahanada ka tirsan kubadda koleyga ee guud ahaan Mareykanka ayaa aamusay daqiiqado si ay u xusaan Kobe Bryant.

Meelo badan oo ka tirsan Mareykanka waxaa ka socdaa munaasabado loogu baroordiiqayo ciyaaryahanka geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa loo haystaa dhibkii Baarlamaanka ka dhacay Sabtidii ,yaasa qaadanaya Masuuliyada?

Cabdi Cade

Xildhibaanada Galmudug oo qorshe culus damacsan iyo shirar hooe oo socda

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo shaaciyay in qalab Dowlada loogu deeqay lagu iibsaday Suuqyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---