Xildhibaanada Galmudug oo qorshe culus damacsan iyo shirar hooe oo socda

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in isbadal loogu sameeyo qodobo kamid ah Dastuurka u degsan maamulkaasi.

Xildhibaanada  ayaa doonaya in meesha laga saaro qodob kamid ah dastuurka maamulkaasi oo dhigaya in Xildhibaanada Galmudug aysan kamid noqon karin Golaha Wasiirada .

Baarlamaankii hore ayaa horey ugu guul dareestay in qodobkaasi meesha ka saaraan, lamana oga sida Baarlamaankan cusub oo u badan dhalinyaro dooneysa in Xildhibaan iyo Wasiiro isku noqdaan ugu guuleesan karaan wax ka badelka dastuurka.

Madaxda sare ee Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaan wali la ogeyn sida ay u arkaan qorshahan ay wadaan Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada doonaya in ay kasoo muuqdaan golaha Wasiirada uu soo dhisayo Madaxweyne Axmed Qooq Qoor ayaa wada kulamo hoose ay ka yeelanayaan arintan si uu qorshahooda ugu hirgalo loogana saaro qodobkaasi dastuurka .

Kulamada Baarlamaanka Galmudug ayaa hada si KMG ah u xiran, waxaana inta badan Dhuusomareeb ka maqan Xildhibaanada kuwaa oo qaarkood safaro dibada ah u baxeen halka kuwa kale oo badana ay Muqdisho oo markii hore ka tageen dib ugu soo laabteen

Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan soo dhiso golle Wasiiro , waxaana socda latashiyo ay madaxda cusub Galmudug ka yeelanayaan magacabaista golaha Wasiirada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -