Sheekh Shariif oo shaaciyay in qalab Dowlada loogu deeqay lagu iibsaday Suuqyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in qalab kala duwan oo loogu tala galay kahor taga cudurka Caronavirus looguna deeqay dowlada Soomaaliya in la musuq maasuqay.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in qalabkan oo Soomaaliya ugu deeqeen dowlado kala duwan lagu kala iibsado Suuqyada, halkii loogu tala galay in wax looga qabto kahortaga cudurka Caronavirus.

“Waxaan la soconaa qalab farabadan ay dowlado kala duwan keeneen,waxana muuqata in sidii loogu talo galay loo isticmaalin oo qaarkood naloo sheegay in suuqa lagu arkay,arrimahaasi ma fiicna amaanada sidii loo keenay in loo guta ayaa la rabaa ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in isbitaalka Martiini oo dowlada ugu tala gashay la tacaalida dadka qaba cudurka Caronavirus dad badan ku dhinteen, kadib markii ay waayeen xanaano iyo daaweyn wanaagsan.

Waxa uu ku baaqay Sheekh Shariif in la sameeyo isbitaalo gaar loo leeyahay oo lagula tacaalo dadka uu haleelo cudurka Caronavirus, waxa uuna ugu baaqay dhaqaatiirta Soomaaliyeed in aysan ka fikir arimo dhaqaale balse dadkooda bad baadiyaan.

“Waxa aan la soconaa Isbitaalka Martiini in dad badan xannaano xumo ugu dhinteen, xaaladdiisu aad u liitado, mas’uuliyad in aynu isi-saarno ayaa loo baahan yahay, dadkii wax usoo bartay in ay maalin waliba ka fikiraan dhaqaale waa ceyb”.ayuu yiri Sh Shariif.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili masuuliyiin katirsan wasaarada caafimaadka loo xiray arimo musuq maasuq sidoo kale agabkii dowlada loogu deeqay suuqyada dalka lagu arkay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -