Yaa loo haystaa dhibkii Baarlamaanka ka dhacay Sabtidii ,yaasa qaadanaya Masuuliyada?

Waxaa aad u batay hadal haynta cidda Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabi doono in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.  Arrinkaas waa mid aan aad ula yaabay!! Maxaa yeelay arrinku ma aha mid mudan in aad loo sheeg-sheego oo lagu mashquuliyo ra’yul caamka bulshada.   Arrinku ma mudna in la wad-wado dhawr sababood awgood:

1.       Ra’iisul Wasaarihii la riday sifo sharci ah laguma ridin oo Baarlamaanku arrinkaas waa mid uu ku gabood falay, Villa Soomaaliyana waa wax cad in arrinkaas ay ka dambaysay, sidaas darteed midka ay keenaan wax qiimo ah kuma fadhiyo mana xalooloobayo,  oo waa halkii Soomaalidu ka oran jirtay: Hal booli ah Nirig xalaal ah ma dhasho.

2.       Qofka la soo magacaabi doono waa la wada ogyahay in uu noqon doono mid maqaar saar ah oo loogu tala galay oo kaliya in lagu carqaladeeyo shirkii Dhuusamareeb ee loo ballan sanyahay.

3.       Qofka iman doona waa mid sidoo kale la doonayo oo kaliya in caqabad taagan looga tillaabo, oo Madaxweyne Farmaajo ayaa si khalad ah isu fahamsiiyay in uu dadka ku jah wareeriyo oo khladkii dhacayna dhammaan Khayre dusha u saaro, isaguna muddo laba sano ah xukunka fidsado, Baarlamaankana into kale u yabooho.

Marka aan sidaas leeyahay macnaheedu ma aha in aan Kheyre difaacayo ama aaminsanahay in Kheyre uu ahaa siyaasi fiican.  Maya…maya…maya  Kheyre marna ma ahayn nadiif!!
Waxa uu ka mid ahaa qayb weynna ka qaatay oo ka soo shaqeeyay siyaasdihii qar iska xoornimada ahaa ee ku salaysnaa la dagaallanka maamulada maxalliga ah ee Soomaaliya ka jira, taasina waxa ragaadisay guud ahaan horumarkii dalka uu gaari lahaa, waxaana faraha ka baxay aminigii qaranka, waxaana muddadii uu joogay xoogaystay nabad diidkii.
Kheyre waxaa gawracay raggiisii oo waxaa dhabarka ka toogtay raggii ay wax wada jilaafeyn jireen.

Laakiin aniga iyo inta ila midka ahba cidda ay difaacayaan waa qawaaniinta iyo sarreynta sharciga.  Waa dhibaato aad u weyn in dhibkii dhacay oo kaliya laga doodo oo aan in yar mooyee la soo hadal qaadin dhibKa dhacay inta uu le’eg yahay iyo waxa keenay.
Waa in laga hadlaa qalaalasaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ka dhacay cidda mas’uulka ka ah, waana in lagula xisaabtamo dadka geystay.  Dhibkii meesha ka dhacay ma aha dhib Kheyre kaliya uu dhibbane ka ahaa, ee waa dhib Soomaali oo dhan soo gaaray.  Waxaa dharaar cad lagu tuntay oo lagu xad gudbay sharcigii dalka oo tusaale ahaan:

1. Riddidii dawladda sifo sharci ah looma marin oo dawladda wakhti ay isku difaacdo lama siin. Waa la boobsiiyo oo si (Gangster) nimo ay ka muuqato ayaa loo majo xaabiyay dawladda. Sidoo kale ajandaha shirka ee maalinkaa ee hore loo gudbiyay kuma jirin in Xukuumadda codka kalsoonida loo qaadayo!!
( Ciddii doontaa abaabulkiisa ha ka dambeysee khaldkaas waxaa dusha u ridanaya oo ku suntan (Mursal & Muudeey).

2. Ra’iisul Wasaaruha sida sharciga noo qoran ku xusan markii si sharci ah lagu rido ka dib waxa uu xaq u leeyaahay in dawladdiisu ay sii shaqayso si ku meel gaar ah inta Ra’iisul Wasaare cusub oo xilka kala wareega laga soo magacaabayo. Eeg (Qodobka 103) 
(Khaladkaas waxaa iska leh ninkii la rabay in uu sharciga ilaaliy oo ah Madaxweynaha).

3.  Isla maalinkii la riday Ra’iisul Wasaaruha ayuu Madaxweynuhu magacaabay Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah, kaaga darene waxaa xog hayn looga dhigay wiil ay Madaxweynaha hayb wadaag yihiin oo xafiiskiisa Agaasime ku xigeen ka ahaa.
(Taasi sharci ku tumasho ka sokow, waxay u muuqataa in Madaxweynuhu doonayo in labada xafiisba uu isaga maamulo).

 Haddaba, dadka intii ay isku mashquulin lahaayeen cidda iman doonta waxaa ka habboon in ay ku mashquulaan sidii looga hadli lahaa Ra’iisul Wasaaraha habkii khaldanaa ee loo tuuray.  Yaa fikirkeeda lahaa?  Yaa ka dambeeyay in si sahal ah loo rido?  Yaa gacan ka geystay?.

Si sharfteenna aan loogu tuman waa in aan gacan adag ku qabannaa oo la xisaab tannaa dadka sharciga ku tumanaya oo amniga dalkan khal-khalka galinaya.  Waa dhibaato in maalin walba nin aan mus’uul ahayn, laaluush ku yimid, waddaniyad ka qaawan oo laga yaabo in carruurtiisii iyo reerkiisiiba ay Turkiga, Qadar, Malaysia ama Imaaraadka ku nool yihiin in uu dalkan khal-khal siyaasadeed geliyo.  Khal-khalka siyaasadeed waxa uu dhalayaa mid amni, dalkeenuna maanta uma baahna in uu dib ugu laabto dagaalladii sokeeye ee Ilaahay na soo dhaafsiiyay.

Sidaas darteed waa lama huraan in laga fal celiyo oo la dalbado wixii dhacay in si sahal ah aan looga gudbin ee khladka dhacay waa in meel saaraa.
Waa in Maxamed Mursal, Cabdiwali Muudeey & cid walba oo ay lugaha la gasho la maxkamadeeyo goorta ku habboon si kuwa ka dambeeya aanay arrinkaas oo kale ugu dhiirran.

F.G Shabakada Allbanaadir masuul kama ahan qormadan , waana aragtida shaqsiga ku saxiixan

W/Q Abdirazak Muse Hersi

hersimuseabdirazak@gmail.com

 

- Advertisement -