Shiikh Shaakir oo cadeeyey xilalka Ahlu sunna dooneyso in laga siiyo Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay iney doonayaan in ururkiisa jagooyinka sare ee Galmudug wax laga siiyo.

Waxaa uu ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dalabkooda fulin weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale.

“Ahlu-Sunna waxay doonaysaa in Galmudug ay ka qabato jagooyin sare-sare oo la mid ah kuwii uu ururku horey uga hayay maamulka Galmudug, si loo helo maamul mideysan oo lagu wada qanacsan yahay” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

waxaa uu sheegay in xilalka ay doonayaan iney qabtaan ay yihiin kuwo ay ku diifaacayaan kuna ilaalinayaan Galmudug balse aysan dano gaar ah ka laheyn.

“Waxaan ka mid nahay dadka ugu xaq leh ee hamiga ka leh iney xilalka sare ka qabtaan Galmudug waxaan rabnaa inaan degaanka u ilaalino sidaan u ilaalineynay xilalka aan ka qabanana umada ayaan ku difaaceynaa ee dan kale kama lihin, galmudug inaan ka noqono madaxweyne, ku-xigeen iyo gudoomiye baarlaman intaba waa ka soo heynay, haddana waa dooneynaa intii aan ka helno inaan ka qabano” ayuu yiri Shaakir.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -