RW Abiy Ahmed oo gaaray Asmara & Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa gaaray xalay magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasoo si diiran loogu soo dhowweynayo.

Abiy ayaa kulan la qaatay xalay Madaxweyne Isaias Afwerki waxayna sheegeen iney yeesheen wadahadalo lagu xoojinayay Xiriirka labada dal iyo qorshayaasha Iskaashiga arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa iney maanta ka ambabaxaan Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda asmara si ay wadahadalka ugu biiraan.

Hogaamiyeyaashan ayaa kulan saddex geesood ah ku yeelan doona Asmara kaasoo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dalalka gobolka gaar ahaan dhinacyada amaanka, ganacsiga iyo wax wada qabsiga.

sadexda hogaamiye ayaa horey kulamo noocan ah ugu yeeshay magaalooyinka Asmara iyo Addis ababa, iyadoo madaxweyne farmaajo uu maanta markii labaad todobaadyo yar gudahood booqanayo Asmara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -