(Daawo Sawirro) Tobanka magaalo ee ugu halista badan caalamka oo la shaaciyey & Muqdisho oo..

Warbixinta sanad laha ah ee uu daabacay wargeyska top10zen ayaa waxa uu kaga hadlay 10-ka  magaalo ee sanadkan 2018 ugu khatarta badan dhanka Amaanka waxa uu sheegay  in Magaalooyinkan la isku weeraro sidoo kalena la isku dilo waxaana dambiyada ay gareen heerkii ugu sareysay.

Dhacdooyinka ugu badan ee ka dhacay 10-kan Magaalo waxaa kamid ah dilalka, weerarada, dhaca, afduubka, qaraxyada iyo rabshado kala duwan oo dadka shicibka ah waxyeelo ka soo gaarta.

1: Magaalada Muzaffarabad ee dalka  Pakistan: Magaalada  Muzaffarabad  waxaa caadi ka ah rabshado ka dhaca, waxaana ay noqdeen kuwa lamid ah nolosha caadiga ah , dibad baxayo rabshada wata iyo howlgalo ciidamada Boolisku sameeyaan oo amaanka sii xumeeya ayaa ka dhaca.

Waxaana Magaaladan Muzaffarabad ay dhacdaa xadka Pakistan, heerka falalka liddiga ku eh amaanka waxa ay gaareen meeshii ugu sareysay 2016-kii oo boqolaal qof lagu dilay.

2: Magaalada  Rio de Janeiro ee dalka Brazil:  sanad waliba  waxa ay soo jiidtaa Malaayiin Dalxiisa yaal ah, waxaa intaas sii dheer dambiyada ka dhaca oo sii kordhaya, qiyaas la sameeyay waxaa lagu ogaaday in todobaad walba 30 qof ay u dhintaan falal amaan darro oo ka dhaca Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

 3: Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo:  Waxaa Kinshasa  caadi ka ah boobka iyo jeebsiibka inta badanna waxaa la kulma caruurta aan guryaha laheeyn, waxaa dadka lagula taliyaa in deeqadaha aysan furin, saas ay tahayna gadiidka dadweynaha ee Magaalada Kinshasa waa kuwa u nugul falal amni darro, marwalbana la kulma.

4: Mgaalada Cape Town ee dalka South Africa: Magaaladan waxa ay kamid tahay kuwa ugu qurxoon koofur Africa, balse si isadaba joog ah ayaa dadka looga dhacaa alaabahooda, waa lagu dilaa waana lagu afduubtaa, sababta ugu weyn ee rabshadahan waa kala duwanaasho dhanka  dhaqaalaha ah, sidoo kale Magaalada Cape Town waa mida ugu khatarta badan koofur Africa.

5: Magaalada Ciudad Juarez ee wadanka  Mexico: Ciudad Juarez waxaa loo aqoonsaday Magalada ugu rabshadaha badan caalamka sanadii 2009, walina waa sideedii, waxaa ka dhaca weeraro ay geestaan kooxo ka ganacsada wax-yaabaha maanka dooriya, in dumarka lagu xadgudbana caan ayeey ku sii tahay, heerka dilalka ayaa ah in 1,00,000 maalin lagu dilo 130 qof.

6: Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya: Muqdisho waxaa burburiyay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay, shacabka qaar ee Muqdisho waxeey ku noolyihiin gudaha dalka iyagoo barakacsan.

Waxaa Magaalada ka dhaca dilalka qorsheysan, Qaraxyada, dhaca, Israsaaseenta iyo Afduubka. Dowladda Soomaaliya waxeey wali xakameyn la’dahay heerka dambiyada ka dhanka ah amaanka oo kor u kacaya, oo inta badan ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan.

7: Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq: heerka falalka ka dhanka ah amaanka iyo dambiyada ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii ciidamada Mareykanka laga howlgaliyay Ciraaq, qaraxyada Ismiidaaminta iyo kuwa loo adeegsado gawaarida aya si joogta ah ugu dhaca Baqdaad, sidoo kale dadka ayaa lakala iibsadaa, tan iyo markii la riday Taliskii Saadaam Xuseen 2003-dii.

8: Magaalada  Caracas ee dalka  Venezuela: Dowladda Venezuela ayaa qiratay heerka dambiyada ka dhaca Magaalada Karakas (Caracas) dadka dalxiisa yaasha ee imaanaya Magaalada ayaa lagu wargeliyaa iney feejignaadaan, dibad baxayo ayaa dhaca, kooxo hubeysanna wadooyinka ayey ka fuliyaan weeraro ay kamid yihiin: afduubka , dhaca, boobka waana kuwa maalin kasta dhaca.

9: Magaalada Santa Domingo ee Jamhuuriyadda  Dominican:  Heerka dambiyada ayaa marna kor u kaca marna hoos u dhaca, inta badan dalxiisa yaasha ayaana ah dhibanaayaasha ugu badan, waana Magaalada ugu khatarta badan Jamhuuriyadda Dominican.

10: Magaalada Detroit oo ka tirsan Gobalka Michigan ee dalka Mareykanka: Detroit waa magaalada ugu khatarta badan Mareykanka, heerka falalka Dambiyada waa 2,135 waxaana la kulma 1,00,000 qof oo kamid ah dadka deegaanka, sababta ugu weyn ee rabshadaha ayaa ah- hoos u dhac dhanka dhaqaalaha iyo shaqo la’aan jirta.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
E-mail: Abdiazizh99@gmail.com

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -