Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo ka degay Addis Ababa (Sawirro)

Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka itoobiya.

Safarka Guddoomiye Mursal ayaa yimid ka dib casuumad kaga timid dhigiisa dalka Itoobiya oo Garoonka Dayuuradaha Addis ababa ku soo Dhaweeyey.

Labada dhinac ayaa la sheegay iney ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan sidii labada Baarlaman ay iskaashi uga yeeran lahaayeen is dhaafsiga khibrada shaqo iyo tababarada.

Booqashada Gudoomiye Mursal ku tegay dalka Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xili ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha & raisul wasaaraha dalka oo shalay iyo maanta u kala duulay dalalka Kenya iyo France, taasoo ka dhigan in sadexda masuul ee dowlada ugu sareysa ay dalka ka wada maqan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo la shiray odayaal dhaqameedyo taageersan Axmed Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali

Amaanka Doorashada Soomaaliya oo si hoose loogu wareegay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo dhalinyaro falastiiniyin ah ku laayey daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---