Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Yurub ka tirsan oo sharciga kala noqoneysa qofkii qaraabo salaan u taga dalkiisa

Wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Austria ayaa waxa uu sheegay in qofki sharciga qaxoontimada ee waddanka heysta ee dib ugu laabtay dalkii uu asal ahaan ka yimid oo dalxiis iyo tamashleyn ama qaraabo salaan u taga inay sharciga kala laabanayaan.

Wuxuu intaas ku daray wasiirku in dadkaas markii hore ay sheegteen in wadankii ay ka yimaadeen ay noloshooda oo helis ku jirtay kala soo baxsadeen.

Mar haddii buu yiri ay ku laaban karaan wadankooda waxaa meesha ka baxday halista ay sheegan jireen.

Waxaa uu caddeeyay inuu sharciga degenaanshaha weyn doono qofka kasta oo ay ku cadaato inuu wadankiisa dib ugu laabtay isagoo sheegay inay u fududahay iney cadeyntiisa helaan ayna ka eegayaan macluumaadka dulimaadkiisa ee dayaaradaha uu raacay  iyo hadii xataa uu meelo kale oo aan waddankan ahayn uu ka dhoofay qofkaas in ay si fudud u soo heli karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacag aan caadi aheyn oo laga helay guriga Madaxweynihii hore ee Sudan

Caydiid Ali

Daawo Video: Qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha Zimbabwe oo si live ah u dhacaya

Caydiid Ali

Dowlada oo War kasoo saartay dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Deegaanka Dhumay

Cabdi Cade