Dowlada Somalia oo shaacisay iney wafdi u direyso dalka Iran iyo sababta ka dambeysa

Wasiirka arrimaha dibbedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida ayaa sheegay in dhawaan dawlada Soomaaliya wafdi u dirayso dalka Iran si ay wada xaajood uga galaan Maxaabiis Soomaali ah oo dalkaasi ku xiran.

Wasiirku waxaa uu sheegay inay dhawaan dalka Iran loo dirayo wakiilo danjirayaal ah oo Soomaaliya ka socda kuwaasoo qorshuhu yahay inay xukuumadda Tehran kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsiyadda dalkaas.

Maxaabiistaas waxaa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin burcad badeednimo sida wasiirku sheegay.

Mar wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya wax laga weydiiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Iran in la soo celinayo iyo in kale ayuu sheegay Wasiir Cawad inaysan jirin wax qorshe ah oo hadda dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed oo horey u go’ay.

Dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh Max’ud ayaa xiriirka u jartay dawlada Iran waxaana la xiray safaaraddii Iran ku lahayd Muqdisho ka dib markii la safatay dowlada Sacuudiga oo xiligaas xiriirka ka goosatay Iran taasoo ka dambeysay xurguf siyaasadeed oo labada dal soo kala dhex gashay.

Iran ayaa dhowaan soo deysay maxaabiis Soomaali ah oo dalkeeda ku xirxirnaa ka dib markii arintaas ka shaqeysay dowlada Somalia oo u soo martay dowlada Turkiga, maadaama labada dale e Somalia iyo Iran uusan ka dhexeynin xiriir diblomaasiyadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -