(Daawo Sawirro) Xubnihii loo magacaabay doorashada gudoonka Golaha shacabka oo Gudoomiye doortay

Gudiggii 15-ka xubnood ahaa ee loo xil saaray doorashadda Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxay iska dhex doorteen Gudoomiye ka dib doorasho ka dhacday galabta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Guddoomiyaha guddigaas loo doortay Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ka mid ah xubno dhawaan bedel ku soo galay Baarlamaanka.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 cisho ah, haddii aysan jirin duruufo kalifaya in dib loo dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -