Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku daah furtay hey’ad ka cusub dalka (Sawirro)

Hay’adda Dhowrista Xogta ayaa xalay waxaa lagu daahfuray magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay wasiiro heer Federaal ah, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo bulshada ka socda.

Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Mudane Maxamed Axmed Cali oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Rasmiga ee Hay’adda ayaa soo dhoweyn iyo mahadcelin kadib ayaa faahfaahiyay masuuliyadaha shaqo ee Hay’adda.

Maareeyaha ayaa sheegay in Hay’addu ay u xilsaaran tahay korjoogtaynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kaydiya xogta gaarka ah ee dadwaynaha.

Xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan guddiga isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in ay kaalin weyn ka qaateen dhismihii hay’addaan ayaga oo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay.

Si la mid wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Waxbarashada iyo tacsliinta sare, wasiirka Duulista hawada iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo munaasibadda ka hadlay ayaa dhammaantoodba isku raacay iney wax badan ka bedeli doonto xogta gaarka ah ee dadweynaha iyo tan dowladda ayna xiligii loogu baahi badnaa la daah-furay.

- Advertisement -