(Daawo Sawirro) Danjire Olgan Bekar oo booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, lana gudoonsiiyey..

Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya danjire Olgan Bekar ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan

Danjiraha oo uu la socday Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen. Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirfadda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed.

Meelaha sida gaar ah  uu u soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo waxyaabo kale.

Jen. Bashiir Goobe ayaa uga mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa isna ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirageliyey Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxaana uu sheegay inay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha xabsiyada iyo garsoorkana gacan ka siin doonaan.

Danjiraha ayaa guddoomay sawir gacmeed ay sameeyeen qaar ka mid ah Maxaabiista oo lagu sawiray Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga, taasoo uu aad ugu farxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -