Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degaanka Dhoobley, lana kulmay.. (Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Lt. Gen. Tigabu Yilma ayaa booqday ciidamada ku sugan jiida hore ee magaalada Dhoobley ee u dhow soohdinta Soomaaliya iyo Kenya si ay u hubiyaan xaaladooda iyo qorshahooda howlgalka.

Qeybta AMISOM ee Labaad ee Ciidamada Jubbaland ayaa ka kooban askar ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa leh shan waaxood oo ku baahsan dalka oo dhan halkaasoo ciidamada AMISOM ay si wadajir ah ula shaqeynayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) si loo xasiliyo dalka.

Markii uu yimid Dhoobley, Lt. Gen. Yilma waxaa qaabilay Taliyaha Qeybta 2aad, Sareeye Guuto Dickson Ruto oo ka warbixiyay guulaha howlgalka AMISOM (CONOPS), kaasoo hagaya howlgalka howlgalka, iyo qorshaha xiliga Kala guurka Soomaaliya. kaasoo qeexaya sida AMISOM ay si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonto mas’uuliyadda amniga Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa uga mahadceliyay ciidamada iyo taliyeyaasha Ciidanka Kenya sida adag ee ay uga howlgalaan Somalia, wuxuuna ku amaanay geesinimadooda iyo howlaha ay u hayaan Soomaaliya.

“Waxaan u imid inaan ku fiiriyo oo aan arko shaqada wanaagsan oo aad u qabaneysaan AMISOM iyo Soomaaliya. Cadowgu dhul badan buu lumiyey laakiin waxaan u baahanahay inaan sii wadno cadaadiska si aan u xasillooni dalkan ugu soo dabaalno Markaan dhamayno shaqadeena, taariikhdu waxay na xasuusineysaa dadaalkeenna qaaliga ah ee nabad ku soo celinta Soomaaliya, ”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Yilma.

Taliyaha Qaybta Labaad Brig. Jeneraal Ruto ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidamada booqashada uu ku yimid wuxuuna u balan qaaday iney sii xoojin doonaan howlgaladooda.

“Hadaad rabto inaad cabbirto guulaheena, waxaad fiirin kartaa tirada meheradaha iyo tirada dadka ku nool magaalooyinka gaar ahaan isu socodka dadka iyo badeecada waa astaan ​​muujineysa in noloshu ay caadi ku soo noqotay Jubaland, ”ayuu yiri Brig. Gen. Ruto ayaa yidhi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -