Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ay ku baxayso 98 Milyan oo Euro (Sawirro)

Dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.
Heshiiskan Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kala saxiixdeen ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka ayaa la sheegay in ay ku baxeyso aduun lacageed oo gaaraya 98.2 Milyan oo Euro.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana goob joog u ahaa madasha heshiis lagu saxiixayay, waxaana Soomaaliya heshiiska u saxiixay Wasiirka Qorsheynta halka Midowga Yurub u saxiixay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya .
Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay muhiimada hesiiskan lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo in wax badan ka tari doono kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa taageero wax ku ool ah siiya dowlada Soomaaliya, waxaana marar badan Midowga Yurub gudaha Soomaaliya ka fuliyeen mashaariic kala duwan oo malaayiin dollar ku baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari sahay kala duwan u waday Al-Shabaab oo la qabtay

Caydiid Ali

Ku-xigeenkii Muuse Biixi oo taageeray Musharax C/raxmaan Ciro

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo dhagax-dhigay Waddooyin laami ah oo laga dhisayo Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---