Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Aabe wiilkiisa ku gowracay Magaalada Jowhar oo gacanta lagu soo dhigay (Sawirro)

Booliska Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe Wiil uu dhalay xalay ku gowracay magaaladaas, ka dibna baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Jowhar Max’ed Siyaad Cali Canjeex oo faahfaahin ka bixiyey dhacdadan ayaa sheegay in Aabahan markii uu dilay Wiilkiisa uu u baxsaday degaan hoostaga Jowhar.

“Howlgal ay Boolisku sameeyeen ayey ninkani xalay saqdii dhexe ka soo qabteen tuulada Halgan oo ku taalla duleedka magaalada Jowhar halkaasoo aanu xog ku helnay inuu u baxsaday” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in ninkan uu haatan ku xiran yahay saldhiga Booliska Jowhar.

Taliyaha ayaa xusay in aabahan ay ku wadaan baaritaano la xiriira waxa sababay inuu Wiilkiisa gowraco, wuxuuna xusay in marka baaritaanku dhamaado ay u gudbin doonaan heyadaha garsoorka.

Dhacdadan oo ugub ku ah magaalada Jowhar ayaa waxaa si weyn uga argagaxay shacabka magaaladaas ku dhaqan oo xalay illaa saaka si weyn u hadal haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug oo ku xiran Xabsi kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Xiisadii Erdogan iyo Macron oo weji cusub la soo baxday (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---