RW Khayre oo Khadka telefanka kula xiriiray Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Mudane Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

Dhulgariir xoog badan ayaa ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Dhul-gariirkan oo ah kii ugu horreyay ee ku dhufta deegaankaasi ayaa waxaa uu dadka ku riday argagax xooggan waxaana la sheegay in xitaa laga dareemay dalalka dariska la ah sida Suuriya, Lubnaan iyo Iran, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay soo kororto.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof ay dhinteen shan boqol oo qof oo kalena ay dhulgariirka ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -