Koofi oo xilkii ka qaaday agaasimihii Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha Puntland (Akhriso)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda ee Puntland Maxamed Cabdi Faarax.

Qoraal ka soo baxay agaasime Koofi ayaa sidoo kale waxaa loogu magacaabay C/llaahi Cismaan Ismaacill inuu noqdo agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Puntland.

Lama oga sababta xilka looga qaaday agaasimihii hore Maxamed Cabdi Faarax balse waxaa qoraalka lagu sheegay in loo soo wareejiyey shaqadiisa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ku taalla Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -