Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo Bandhig weyn ka furay Magaaladda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray bandhiga carwada warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Bandhigaan oo ay soo qaban qaabiyeen rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dalka qeybo kamid ah ka hirgaliyay warshado kala duwan oo wax soo saar leh, warshadahan ayaana waxaa shaqo abuur  ka helay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Warshadaha dalka kusoo badanaya ayaa qeyb ka noqonaya horumarka ganacsi ee dalka ka jira , waxaana warshadahan ku kala yaalaan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Mahmoud Mohieldin

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Nin aflagaadeyey Nebi Maxamed NNKH oo garaacis lagu dilay

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo shir aan caadi aheyn uga qeyb galaya Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---