Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al-Shabaab oo saaka degaan Muhiim ah kala wareegay Ciidanka dowlada

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay degaanka Farlibaax oo 45-km u jira Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay joogeen ciidamada DF.
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaad kooban oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ay ugu dambeyn ciidanka dowladda iskaga baxeen degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay halkaas soo galeen saaka ayna jirto xiisad iyo cabsi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan meel aan ka fogeyn degaanka ayaa wadda abaabul ay ku doonayaan in ay dib ugala wareegaan Al-Shabaab degaanka Far-libaax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiida

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo David Concar oo kawada hadlay arimo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---