Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu dhawaaqay (Akhriso Magacyada)

Waxaa maanta xarunta golaha Shacabka kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kulankan looga dhawaaqay 15-xubnood oo noqonaya Guddiga Doorashada.

Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay 15-kan xubnood ee Guddiga doorashada, Xubnahan ayaana ka shaqeyn doona qabsoomida Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in ay u tartamayaan Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana wali lakala ogeyn cida rasmiga ah ee kursigan ku guuleesan doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -