Beelaha Muqdisho oo Hub aruursi bilaabay iyo Qiimaha hubka oo sare u kacay !!

Hubka nuucyadiisa kala duwan ee lagu iibiyo suuqyada Madow ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u kacay, kadib markii qaar kamid ah beelaha dega Muqdisho bilaabeen hub aruursi.

Warbaahinta hornobserver ayaa warbixin ka qortay sara kaca u yimid hubka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaan hubka fudud ee sida weyn xiligan loogu kala iibsanayo suuqyada loo yaqaan cirtoogtaha ee kuyaala Muqdisho.

Qiimaha qorayga AK-47 ayaa hada gaaray $1,400 halka markii hore lagu kala iibsan jiray qoraygaasi lacag dhan  $700, waxaa sidoo kale qoriga loo yaqaan PKM hada lagu iibinayaa  $15,000, sidoo kale Bastoolada nuuca Belgium ayuu qiimaheedu gaaray 2,000 oo dollar.

Sida uu Wargeysku sheegay sara kaca ku yimid hubkan lagu iibiyo suuqyada Muqdisho ayaa sabab looga dhigay hubkii dalka soo gali jiray oo yaraaday iyo dadka dega caasimada ee hubka iibsanaya oo kordhay.

Ganacsade hubka ku iibiya suuqyada madow ee kuyaala Muqdisho ayaa wargeyska u sheegay in dadka ugu badan ee hubka iibsanaya aysan garaneyn hay’ad dowladeed ay katirsan yihiin, waxa uuna xusay in hubka ugu badan ee la iibsanayo yihiin AK-47, PKM iyo qoriga garabka laga rido ee RPG ama baasuukaha loo yaqaan.

“Waxaan maalin walba ka helnaa dalab fara badan oo ka imanaya macaamiisha kala duwan, hubka sida aadka ah loo iibsanayo waa AK-47s, qoryaha PKM, RPGs [gantaalaha garbaha laga rido], bastoolado iyo noocyada kala duwan ee rasaasta. Dad badan ayaa doonaya inay is hubeeyaan ka hor doorashada,” Ayuu yiri ganacsade magaciisa qariyay.

Nin kamid ah dalaaleyda hubka iibiya oo magaciisa ku sheegay Yuusuf ayaa u sheegay Wargeyska hornobserver in sababaha hubka sare u qaaday kamid tahay cabsida laga qabo doorashada dhaceysa, siyaasiyiinta iyo beelaha qaarna ay bilaabeen in ay hub iibsadaan.

“Doorashadan waa ay ka duwan tahay kuwii hore, marka hore, tani waxay noqon doontaa doorasho si dhow loola tartamayo. Madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Farmaajo wuxuu isku dayayaa inuu ka hor istaago musharixiinta kale inay tartamaan halka siyaasiyiinta mucaaradka ay bilaabeen inay abaabulaan beelahooda si ay diyaar ugu noqdaan is difaacid hadii loo baahdo,” ayuu yiri Yuusuf .

Waxa uu sidoo kale ninkan u sheegay wargeyska in beel kasta ay dooneyso in aan kuraasto loo qoondeeyya ee Baarlamaanka aan  lagu faro galin , waxa uuna xusay in ay hubka u iibsanayaan beelahaan in ay isku difaacaan hadii la faragaliyo.

“Beel walba waxay rabtaa inay hubiso in kuraastooda loo qoondeeyay ee baarlamaanka aan la xadin ama aan la faragalin waxayna diyaar u yihiin inay ka difaacaan taas,” ayuu raaciyay.” ayuu hadalkiisa kusii daray Yuusuf.

Xasan Nuur oo ah falanqaeeye ku xeer dheer arimaha amniga oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa wargeyska u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharaxiinta walaac amni ay muujiyeen sidaasna u bilaabeen in maleeshiyaad hubeeyaan.

“Soomaaliya waa dal jilicsan oo awooda qabaa’ilku ay ka muhiimsan tahay awooda dowlada. Hadii qabiil kasta uu dareemo dulmi ama xubnihiisa cabsi gelin, xalka kaliya ee u furan waa inay abuuraab rabshado ,waana arin aad u khatar badan  xaqiiqdi “ayuu yiri Xasan Nuur.

Warkan uu qoray Wargeyska hornobserver ayaa kusoo aadaya xili ay jirto cabsi xoogan oo laga qabo in lagu shubto doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka ayaana ka biyo diidan guddiga doorashada oo la sheegay in ay u badan NISA iyo taageerayaasha Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -