Sadex Dowladood oo dhax dhaxaadin ka dhax wada Somalia iyo Imaaraadka iyo Wasiir Cawad oo …

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee hada u dhaxeeya Dowladaha Imaraadka Carabta iyo Soomaaliya iyo waxyaabaha dhaliyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in khilaafka labada dal uu ka dhashay xadgudub lagu sameeyay Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in arinta lacagta uusan ka dhalan khilaafka balse ay ka horeesay.

”Khilaafkan hada ka dhax jira labada wadan kama bilaaban lacagtii lagu qabtay Muqdisho, khilaafkan waxa uu ka dhashay xadgudub lagu sameeyay Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale ka hadlay lacagtii Imaaraadka laga lahaa ee lagu qabtay garoonka Muqdisho, waxa uuna xusay in lacagtaasi aan lagu soo wargelin dowlada lana ogaan waayay ujeedada lacagtaasi loo isticmaalayay.

Waxa uu meesha ka saaray Wasiir Cawad in wax raali galin ah ka bixinayaan lacagtaas lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo Dowlada Imaaraadka dooneyso in dowlada Federaalka dhacdadaasi raali galin ka bixiso.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhoor wadan ay ku jiraan Itoobiya, Masar iyo Sacuudiga hada dhax dhaxaadin ka wadaan khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Waxa uu rajo ka muujiay Wasiirka in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hada ka dhax aloosan labada wadan ayna dhameynta arintaasi gacan ka geestaan dowladaha dhax dhaxaadinta ka dhax wada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradaka ayaa waxaa ka dhax aloosan khilaaf siyaasadeed oo sababay in dowlada Imaaraadka joojiso taageeradii iyo tababaradii ciidanka dowlada Soomaaliya siineysay mudo sanado ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -