Burundi oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray Weerarkii Al Shabaab iyo askar nolosha …

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa shalay aroortii hore weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday xero ciidanka Nabad ilaalinta ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf.

Weerarkan oo Al Shabaab ugu suurto gashay in ay ku qabsadaan xerada ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka Burundi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Burundi oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari oo katirsan ciidamada ATMIS gaar ahaan kasoo jeeda dalka Burundi laga dilay weerarka halka 22 kalena lagu dhaawacay.

Waxa uu sidoo kale sargaalkan sheegay in tobaneeyo askari oo katirsan ciidankooda nolosha lagu la’yahay, waxa uuna sheegay in aysan cadeyn in Al Shabaab u gacan galeen askarta maqan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen saldhiga Ceel-Baraf ku dileen 173-askari oo katirsan ciidamada ATMIS, sidoo kale jiraan askar kale oo nolosha ku qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -