Guddoomiye Mursal oo si caro leh uga hadlay xariga Roobow & rabshadaha Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay waxyaabaha ka dhacay magaalada Baydhabo.

Mursal ayaa intaas ku daray inuu horrey uga digay arintan balse dowladu iska dhega marisay hadalkiisa.

Wuxuu ugu baaqay shacabka magaalada Baydhaba inay is dejiyaan oo xaaladda la qaboojiyo, si aanu dagaalka halkaasi ka dhacay u sii socon, iyadoo dhibaato xoog leh ka jirto magaalada.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay inay ka daba tegi doonaan qabashada Mukhtaar Roobow oo ay xal u raadinayaan, isagoo soo jeediyey in xal loo raadiyo ee aan awood la adeegsan.

“Waan la xisaabtameynaa cidii laheyd qaladkii ka dhacay Baydhabo, waxaana ku baaqayaa in xaalada Magaalada la dejiyo oo dagaal kale uusan ka dhicin” ayuu ku yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxgaradka iyo qeybaha ugu baaqay iney ka shaqeeyaan nabada, gacana siiyaan ciidamada amaanka.

Mar la weydiiyey Mooshinka Madaxweynaha laga keenay  ayuu sheegay inay u taallo Baarlamaanka oo ka kooban 276, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan, baarlamaankuna u taagan yahay inuu wax xaliyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka horgeeyaan mooshin, isaga oo intaas ku daray inay doonayaan inay wax saxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -