Isra’il oo dadkeeda uga digtay iney booqdaan Itoobiya Al-shabaab awgeed

Maamulka Yuhuuda Isra’il ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan dalka Ethiopia, kadib, digniino dhanka Amniga oo la xiriira suurto-galnimada weeraro ay dalkaas ka geystaan Al-shabaab.

Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel ayaa soo kala saaray qoraalo ay ku go’aansadeen inaan wax ergo Arday ah loo dirin  dalka Ethiopia sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Arrintan ayaa ku soo beegantay  iyadoo la hakiyey dhamaan duulimaadyadda Shirkadaha dayuuradaha Israel u qorsheysnaa inay sannadkan ku tagaan Addis Ababa.

Laamaha Yuhuuda ugu qaabilsan la dagaalanka argagixisadda ayaa dhawaan sheegay inay jiraan warar dhinaca sirdoonka ah oo sheegaya weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Itoobiya oo xad dheer la leh Somalia.

Israel waxay sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Ethiopia ku fashilmeen digniino ay u gudbiyeen, iyadoo bishii April ee sannadkii hore ay dhowr weerar ka dhaceen dalkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii gobolka Wardheer ee ku yaalla ismaamulka Soomaalida Itoobiya lagu qabtay gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey iyo shaqsiyaadkii watay, waxaana gaarigan uu ka baxay degaanada Puntland oo Al-shababa ay fariisimo ku leeyihiin.

Itoobiya ka mid ah dalalka ugu amaanka fiican geeska Afrika, iyadoo Al-shabaab oo Somalia ka dagaalanta ay suurageli weysay iney weeraro macno leh ka geystaan dalkaas, marka la eego Kenya oo kooxdan ay ku leedahay saldhigyo, kana geysteen weeraro qaarkood dhiig badan ku daateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -