Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal dhax maray Ciidamada Taalibaan iyo kuwa Iran

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Taalibaan ee la wareegay talada dalka Afganistan iyo ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Iran ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dal gaar ahaan xadka gobolka Nimruz ee Afganistan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada ciidan ee jooga xadka isku adeegsadeen rasaas culus, lamana soo sheegin ilaa hada khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo kala gaaray ciidamada dagaalamay.

Afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dagaalka dhax maray ciidamada Taalibaan ee ilaaliya xadka iyo kuwa dowlada Iran uu ku yimid isfahan daro labada dhinac soo kala dhax gashay.

Waxa uu sheegay afhayeenka Taalibaan in ay qaadeen dhankooda talaabooyin looga hortagayo in mar kale dhacaan dagaal iyo isfahan daro soo kala dhax gasha ciidamada ilaalada xuduudaha ee Iran.

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahisay in dagaalka ka dhacay xadka Iran iyo Afganistan uu yimid kadib markii ciidamada Taalibaan rasaas ku fureen fariisin la sheegay in ay joogeen ciidamada Iran.

Dowlada Iran ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh kooxda Taalibaan , waxaana safaarada Iran wali ka furan tahay dalka Afganistan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in labada dal kawada hadleen iska hor imaadka ka dhacay xadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -