Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhex dhacay guri ku yaalla Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay guri ku yaalla xaafada Buulo-mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida dadka deriska ah ay sheegayaan qaraxan ayaa yimid ka dib markii nin ka mid ahaa qoyska gurigaas degan uu garaacay waxyaabo qarxa oo duugoobay, si uu ugala baxo Maar.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa ku waramay in qaraxaas uu ku dhintay ninkii garaacayey walaxda la qaraxday, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo ka tirsanaa qoyska degenaa gurigaas.

Qaraxa ka dib waxaa goobtaas isugu soo baxay dadka fara badan oo ka tirsan degaanka, sidoo kale waxaa halkaas gaaray masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maamulka degmada dayniile oo u kuur galayey dhibaatada halkaas ka dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira in Wadahadal lagu dhameeyay xiisadii u dhaxeesay Ciidamada Saadaq Joon iyo kuwa Dowlada ?

Cabdi Cade

Madaxwayne Dani oo Shaaciyay waxa dhici kara hadii la fulin waayo heshiiskii Doorasha & Gen.Xuud oo..

admin

Wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---