Laftagareen oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Magaalada Marko (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya C/casiis Laftagareen  ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose, isagoo xariga ka jaray mashaariic hormarineed oo uu Maamulka Gobolka ka hirgeligyay halkaas.

Mashaariicda uu xariga ka jaray Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa ka mid ah dib udhiska kawaanka hilibka, suuqa qudaarta, xarunta degmada, Xarunta maamulka Ceeljaale iyo Iskuulka 21ka Octobar.

Madaxweynaha ayaa koob gudoonsiiyay 16koox oo ku tartamayay koobka nabada ee degmada MARKA waxaana ku guuleystay kooxda deegaanka shalanbood

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagaxdhigay mashaariic kale oo laga fulin doono caasimada gobolka Shabeelaha hoose ee Marko, waxaana ka mid ah garoonka Kubada cagta iyo kan dayuuradaha oo noqon doona laba mashruuc oo muhiim u ah shacabka gobolka shabeelaha hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -