Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maamulka Somaliland oo saaka xukun toogasho ah ku fuliyey lix nin (Magacyada)

Somaliland ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay 6 Nin oo horey dil loogu xukumay ka dib markii ay dilal kala duwan ka geysteen degaano ka tirsan Maamulkaas.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay jeelka wayn ee Mandheera oo ku yaalla Gobolka Saaxil saaka 8:00 subaxnimo.

Gacan ku dhiigleyaasha xukunka dilka lagu fuliyay ayaa kasoo kala jeeda deegaano ka tirsan Somaliland waxayna magacyadooda kala yihiin:-

1- Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle)

2- C/llaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax (Burco)

4-Khadar Aleel (Gabiley)

5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalida ku nool Magaalada Nazareth oo ay soo wajahday qatar iyaga u gooni ah

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne dal Afrika ka tirsan soo hogaamiyey 27 sano oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---