Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Qabashada araajida Musharaxiinta guddoonka Baarlamanka Galmudug oo bilaabatay

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb qabashada araajida musharaxiinta u taagan gudoonka baarlamanka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa.

Guddiga ayaa maanta ka guddoomey araajida 3 musharax oo kala ah Maxamed Nuur Gacal & Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdulalahi Axmed Calasow kuwaasoo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa araajidooda gudbiyey Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno kale.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay oo Talaado aheyd waxay soo sareen shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Maaliyada G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shimbir kunool Afrika oo qofkii dila lagu xukumayo Xabsi Daa’in (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Qalabeesay Ciidamo Dagaal loo diyaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---