Allbanaadir.com
NEWS

Soomaalida ku nool Magaalada Nazareth oo ay soo wajahday qatar iyaga u gooni ah

Sida ay sheegayaan  Wararka ka imanaya dalka Itoobiya waxaa sii kordhaya weerarada ay Qowmiyadda Oromada ku beegsanayso Soomaalida dalkaas ku nool.

Weeraro cusub oo ka dhan ah Soomaalida ayaa ka bilowday Magaaladda Nazareth oo illaa 100 Km u jirta caasimada Addis ababa, iyadoo boqolaal Soomaali ah lagu weeraray guryaha ay degan yihiin.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryohoodi ay ka carareen oo ay u baxsadeeen caasimadda Itoobiya, si ay uga badbaadaan beegsiga Qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi.

Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay inay ku hareereysan yihiin guryaha ay degan yihiin Soomaalida, dadku waxay la’yihiin qaab ay uga baxsadaan weerarada qaarkood.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xiisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada dalkaasi Itoobiya, dhowaan ayeyna aheyd markii ku dhowaad boqol Soomaali ah ay dileen dadka Oromada ah kuwaasoo loogu galay saldhig boolis oo ay magan galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar Wasiir oo looga yeeray Aqalka sare si wax looga weediiyo xaalad deg deg ah oo soo korortay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka mid kamid ah ragii Weeraray Xerada Xalane

Cabdi Cade

Gudoonka Aqalka sare ee Somalia fariin muhiim ah diray Senatarada Golaha (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---