Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan & dowlada oo war ka soo saartay

Sudan ayaa sheegtay in ay dib u furtay hawada dalkaas iyo garoonka diyaaradaha ee Khartuum, ka dib shaqaaqadii shalay caasimadda dalkaas ku dhex-martay ciidanka dowladda iyo askar daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray.

Madaxa golaha dowladda Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhani ayaa sheegay in laba askari la dilay xilli ciidanka dowladda ay isku dayayeen in ay xaaladda gacanta dowladda ku soo celiyaan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan oggolaan doonin agfembi aan sharci ahayn.

Ciidanka milateriga ee Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta sirdoonka ee dalkaas, halkaas oo ay gadood ka sameeyeen ciidamo mar daacad u ahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Xassan Al Bashir.

Qarax iyo dhawaqa rasaasta ayaa shalay laga maqlay caasimadda Khartuum, waxaana hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada lasoo dhoobay taangiyo iyo baaburta gaashaman, taas oo xiisad iyo walaac amni ku abuurtay dadka Sudan.

Jeneraal Maxamed Hamdan oo ah sarkaal sare oo katirsan golaha talada Sudan haya ayaa madaxii hore ee sirdoonka, Saalax Goosh ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay wadankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -