Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Qarax Gaari hoosta looga soo xiray ayaa barqonimadii maanta ka dhacay laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Hotelka lagu magacaabo Mubaarak.

Sida aan Wararka ku helnay gaariga qaraxa lagu  xiray ayaa waxaa iska lahaa oo watay Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Galmudug Cabdi Dheere , gaariga ayaana qarxay xili laamiga dhinaciisa lagu baakimay.

Goob jooge ayaa noo sheegay in sargaalka watay gaariga qaraxa lagu soo xiray uu gaariga ka degay uuna galay hotelka, waxaana wararka qaar sheegayaan in qaraxa lagu xiray xili uu yaalay afaafka hore ee Hotelka.

Qaraxan ayaa la sheegay in uusan ka dhalan khasaaro nafeed, waxaana gabi ahaan gubtay gaarigii qaraxa lagu soo xiray, waxaa sidoo kale dabka gaaray waxyeelana uu gaarsiiyay gaadiid kale oo yaalay halka gaariga ku qarxay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana gaadiidka ku gubtay qaraxa daqiiqado badan kadib damiyay gaadiidka dabdamiska oo goobta soo gaaray.

Qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana u muuqda kuwa ka xoog badan kuwii horey gaadiidka loogu xiri jiray, waxaana gaadiidkiii ugu dambeeyay ee qaraxyadan lagu xiray noqdeen kuwo intooda badan gubtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -