Somalia oo shir guddoomineysa kulanka 151-aad ee Ururka Jaamacada Carabta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamud Samran Al-Xuweyti.

Geelle iyo safiirka ayaa waxay  ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta dhaqaalaha Dalka, iyadoo safiirku uu kormeeray qeybta Telefishinka Qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay.

Waxay kaloo ka wada hadleen Kalfadhiga 151 ee Jaamacada Carabta oo dhici doono 17-18ka bisha soo socota ee December kaasoo Soomaaliya ay shir guddoomin doonto.

Danjire Al-Xuwayti ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta waxa uu bogaadiyay Xariirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxa uu ku amaaanay Madaxda Wasaaradda sida dhallinyaradu ay ugu dhiibtay xilaka Wasaaradda.

Wasiir Daahir Geele ayaa ku bogaadiyay Jaamacadda Carabta Garab istaaga waqtigii adkaa ee nasoo maray iyo dib u kabashada Dalka Hada uu jiro.

“Jaamacadda Carabta waxaan kaga mahadcelinaynaa garabistaaga waqtigii adkaa ee nasoo maray iyo dib u kabashada hadda aan ku jirno, wuxuu booqday howlaha ka socda Wasaardda anagana waxaan jecelnahay si walaatinimo iyo saaxiibtinimo ay ku jirto aan usii xoojino xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta ka dhexeeya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -